Jabuuti oo taageertay Go’aanka Cunaqabateynta looga qaaday Eritrea

by admin | Friday, Nov 16, 2018 | 788 views

Dowladda Jabuuti ayaa soo dhaweysay go’aanka ay Qaramada Midoobay cunaqabateyntii hubka iyo xayiraadaha kaleba uga qaadday dalka Eritrea, tallaabadan ayaana dadka qaar ku noqotay mid lama filaan ah, maadaama horay ay Jabuuti mowqif adag uga taagneyd arrintaas, kuna talineysay inaan Eritrea laga qaadin cunaqabateyntaas.

Labada dal ee Jabuuti iyo Eritrea oo daris ah ayaa in muddo ahba isku mari la’aa muran salka ku haya xuduudda, iyagoo ciidamadooda uu dagaal culus ku dhex maray xudduudda.

 

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa shalay cod aqlabiyad leh ku ansixiyay soo jeedin ku saabsaneyd in Eritrea laga qaado cunaqabateynta dhinacyada, taasoo ay horgeysay dowladda ingiriiska, Mareykankana uu ku taageeray.

Wuxuu dhanka kale goluhu ku baaqay in labada dal ay sii wadaan wada xaajoodyada ay ku xallinayaan khilaafaadkooda.

 

Like it? Share it!

Leave A Response