IOM oo lagu eedeeyay in ay masuul ka tahay dhimashada Soomaali ku dhintay Yaman.

by admin | Monday, May 11, 2020 | 481 views

Maxamed Cali Xuuthi oo ah Asaasihii Kooxda Xuuthiyiinta, kana tirsan Xubnaha Golaha Sare ee Siyaasadda ee Maamulka Xuutiyiinta Yemen waxa uu amar ku bixiyey in la furo Baaritaanka geerida Muwaadinka Soomaalida oo isbuucii hore ku geeriyooday Hotel ku yaalla magaalladda Sanca.

Qoraal uu Mas’uulkaasi bishan 9-dii soo dhigay Bartiisa Twitter-ka waxa uu ku muujiyey in Hay’adda Muhaajiriinta Caalamiga ee IOM soo dejisay Muhaajirka Soomaalida Hotelka uu ku haleelay COVID 19, wuxuuna ku baaqay in Dacwad-oogayaasha iyo Hay’adaha xiriirka la leh dhacdadaasi furaan Baaritaan ku aadan doorka ay Hay’adda IOM ku leedahay Mashaqadaasi.Image may contain: text

Maxamed Cali Xuuthi waxa uu intaasi ku daray in loo baahan yahay in la furo Baaritaanka lid ku ah Hay’adda IOM ee ka dambeeyey inay gabaad siiyaan Muhaajirka Soomaalida ee isbuucii hore uu Infekshinka Koroona ku dhacay isagoo ku sugan Hotelka la dejiyey ee Al-fatah Hotel oo ku yaalla Degmadda Al-saafiyah ee Bartamaha caasimadda Yemen ee Sanca.

Waxa kale oo Twitterkiisa ku qoray inay Hay’adda Muhaajiriinta Caalamiga ee IOM tahay tan Muhaajirka Soomaalda Dejisay Hotelka, isla markaana ay ka gaabiyeen Marxuumka.

Mas’uulkaasi xubinta ka ah Golaha Sare ee Siyaasadda ee Maamulka Xuutiyiinta Yemen waxa uu xusay inuu helay Warbixin ku aadan in Walaalka Soomaaliyeed ee geeriyooday uu soo booqday Xarunta Hay’adda Caalamiga ee IOM, isla markaana ay iyaga dejiyeen Hotelka ku yaalla gudaha magaalladda Sanca.

Like it? Share it!

Leave A Response