Isreal oo weerar duqeyn ah ku qaaday dalka Syria

by admin | Wednesday, Dec 26, 2018 | 795 views

Wakaaladda wararka Suuriya ee SANA, ayaa sheegtay in habka difaaca gantaallada dalkaas uu iska caabiyey gantaal lagu soo weeraray meel ku dhow magaalada caasimadda ah ee Dimishiq.

Sida ay sheegtay SANA, saddex askari oo Suuriyaan ah ayaa lagu dhaawacay weerarkan oo ay diyaaradaha dagaalka Israel ay ku qaadeen bakhaar rasaasta lagu keediyo.

Warbaahinta dalka Lebanon ayaa ku warramay in diyaaradaha dagaalka Israel ay dul-mareen hawad dalkaas si ay weerarka ugu qadaan Suuriya.

Ciidamada Difaaca Israel ayaa dhinaca kale sheegay in habkooda difaaca gantaalaha la diyaariyey si ay uga hortagaan gantaalaha lidka diyaaradaha oo Suuriya ay soo tuurtay.

Israel ayaa marar badan weerar ku qaadday Suuriya ayada oo beegsaneysa ciidamada Iran ee dalkaas ku sugan. Israel ayaa ku eedeysay Iran inay Suuriya ka dhiganeyso saldhig milatari, taasi oo halis gelin karta ammaanka Israel.

Weerarka Israel ayaa yimid maalmo kadib markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu shaaca ka qaaday in ciidamada Mareykanka uu kasoo saarayo Suuriya.

Like it? Share it!

Leave A Response