Madaxweyne Waare oo ku baaqay in la joojiyo Dagaal Beeleedka Maxaas.

by admin | Wednesday, Dec 26, 2018 | 766 views

Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Warqad kasoo baxday Xafiiskiisa ayaa looga hadlay Dagaal beeleedka ka taagan Deegaan hoos taga Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Waxa uu ku baaqay in shuruud la’aan la joojiyo, dhinacyada colaadda u dhaxeysana ay khilaafkooda ku xaliyaan Miiska Wada hadalka.

Waare ayaa tilmaamay in Dagaalka aan dan ugu jirin dadka Deegaanka, balse ay faaiido u tahay Al-Shabaab sida uu hadalka u dhigay, sidaa awgeed waxa uu dhinacyada Dagaalamaya ka dalbaday in ay wada hadal u badalaan Xiisadda ka dhaxeysa.

Madaxweynaha Hir-Shabeelle ayaa u tacsiyeeyay Dadkii ku dhintay, isaga oo Caafimaad deg deg ah u rajeeyay kuwii dhaawacmay, Odoyaasha beelaha iyo dhinacyada ku baxay waxa uu ugu baaqay in ay xal deg deg ah u helaan.

“Colaado ay qaabkoodu leeyihiin muuqaal qabiileed balse aysan siyaasadi ka marnayn ayaa ku soo laalaabtay , Hirshabelle, waxaana ku baaqayaa inay odayaasha iyo siyaasiyiinta Hirshabelle kasoo jeeda inay u istaagaan joojinta colaadahaas,” ayuu yiri madaxweyne Waare.

Madaxweyne Waare ayaa ku baaqay in xabbada la joojiyo, wixii dhinacyadu ay isku hayaanna si nabad ah lagu dhameeyo, maadaama qof wax ka maqan aan Xabad lagu heli karin sida uu hadalka u dhigay.

“Walaalaha ku dagaalamaya Hiiraan ha ogaadaan in colaadaha ay galayaan ay yihiin kuwo lagu taageerayo kooxda Al-shabaab” ayuu yiri madaxweynaha.

Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Mudane Maxamed Cabdi Waare oo sii hadlayay ayaa sheegay inay soo arkeen  dhibaatada ay colaaddu leedahay, balse ay laga shaqeeyo nabadda, waxaana leennahay waa in laga shaqeeyo nabadda…nabadda..nabadda.

Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa guddi u diray, joojinta colaad beelaadyadaasi, kuwaasi oo isugu jira xubno ka tirsan labada gole ee Dowladda Hirshabelle, Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan, saraakiisha Ciidamada Hirshabelle, iyo Waxgarad kale waxaana maalintii sedexaad Degmada Maxaas ay u joogaan sidii loo joojin lahaa Colaadahaasi.

Like it? Share it!

Leave A Response