Jabuuti oo sheegtay in ay xoogga saareyso la dagaalanka Lacagaha u socda in lagu maalgeliyo ‘Argagixisada’.

by admin | Saturday, Jan 28, 2023 | 246 views

Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa sheegtay in ay xoogga saareyso la dagaalanka lacagaha u socda in lagu maalgeliyo waxa loogu yeero ‘Argagixisada’ & kuwa aan la garaneyn in laga diray meelaha aan xog dhammeystiran laga heyn.

Jabuuti ayaa sheegtay in howshaan ay laf-dhabar u tahay sidii loo hor istaagi lahaa lacagahaas sida sharci darrada ah loo dhigto Bangiyada ama isaga kala kala gudba si loo waayo dhaqaalaha ay helaan ururrada & shakhsiyaadka lagu tiriyo ‘Argagixisada’.

Howshaan waxaa Jamhuuriyadda Jabuuti ka gacansiinaya Bangiyada Dalalka Carabta iyo Geeska Afrika si loo xoojiyo wadashaqeyntooda loona qabto lacagaha aan la ogeyn halka ay u socdaan & meelaha ay ka yimaadaan.

Mas’uuliyiin katirsan Bangiga dhexe ee Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa sheegay in tallaabadaan ay wiiqeyso dhaqaalaha ay helaan dhinacyada lagu raad-joogo ee ku jira liiska waxa loogu yeero ‘Argagixisada’.

Baaris xooggan ayaa la marinayaa lacagaha la dhiganayo Bangiyada, cidda dhigeyso iyo ujeedka dhigaalka loogu sameynayo si xogta oo dhammeystiran loogu wareejiyo ha’yadaha amniga & kuwa qaabilsan la dagaalanka ‘Argagixisada’.

Like it? Share it!

Leave A Response