Jabuuti oo sheegtay in China aysan qatar ku ahayn saldhigga Mareykanka

by admin | Sunday, Mar 18, 2018 | 1043 views

Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in maalgashiga Dalka China ee dekadaha Dalka Jabuuti aysan saameyn taban ku yeelaneyn saldhigga Mareykanka ee dalkaasi.
Wasiirka Maaliyadda Dalka Jabuuti Ilyaas Dawaale ayaa waxaa uu sheegay in ay iyaguba qabi lahaayeen Walaaca Mareykanka ee danahiisa Afrika uu ku hayo China hayeeshee dowladda Jabuuti ay hubto in China aysan saameyn ku yeelaneyn Saldhigga Mareykanka ee laga hago howgallada Mareykanka ee Afrika.
Taliyaha Ciidanka Mareykanka ee Afrika ee loo yaqaan Africom, Jen. Waldhauser waxaa uu la kulmay diblomaasiyiin dalka Jabuuti u dhashay kuwaas oo uu la wadaagay walaaca Mareykanka ka heysta dhaq dhaqaaqa China ee Jabuuti.
Jabuuti waxaa ay dhawaan Dekadda Dooraale heshiis is faham ah kala gaartay Sharikadda PIL ee laga leeyahay Dalka Singapore taas oo ay ku lugleedahay Dowladda China.

Edward Ion,,oo ah Afhayeen u hadlay Sharikadda PIL ayaa sheegay in sharikaddooda ay xiriir la leedahay sharikadaha dhismaha Waddooyinka ee dowladda China islamarkaana ay si dhow u wada shaqeeyaan.

Like it? Share it!

Leave A Response