Jubbaland oo billaawday diyaar garowga wajiga labaad ee howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab

by admin | Monday, May 8, 2023 | 139 views

Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxwayne ku xigeenka labaad ee Jubbaland Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud (lugadheere) iyo wafdi uu hogaaminayay ayaa kormeeray Jiidaha hore ee ay howlgallada ka wadaan Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland ee degaannada Janaa Cabdalle iyo Baar-Sanguunni.

Ujeedka Wafdiga ayaa waxaa lagu sheegay u kuur gelida xaaladaha ay ku sugan yihiin Ciidamada howlgallada kujira iho diyaar garowga wajiga labaad ee howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka bilaabanaya degaannada Maamulka Jubbaland.

Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxwayne ku xigeenka labaad ee Jubbaland Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud (lugadheere) ayaa uga mahad celiyay Ciidamada sida ay ugu dhabar adeegeen howlgallada socda iyo sida ay isaga difaaceen ugana xorreeyeen degaannada Al-Shabaab.

Waxaa uu sheegay in muhiimadiisa koowaad ay yihiin Ciidamada iyo ka warqabkooda, isaga oo sheegaybin Ciidamada ay mar walba noqon doonaan kuwa guuleysta.

Ugu dambeyn Madaxweyne kuxigeenka labaad ee Jubbaland ayaa ugu baaqay Saraakiisha Ciidamada dowladda qeybta 43aad iyo kuwa Jubbaland inay u diyaar garoobaan wajiga labaad ee howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka billaabanaya guud ahaan dalka.

Degaannada dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa waxaa ay kamid yihiin degaannada loogu diyaar garoobayo wajiga labaad ee howlgalka ka dhanka ah Ururka Al-Shabaab.

Like it? Share it!

Leave A Response