Jubbaland oo sheegtay in ay qabatay Miinooyin “AS” diyaarisay.

by admin | Tuesday, Dec 6, 2022 | 252 views

DG Jubbaland ayaa sheegtay in howlgal qorsheysan oo laga sameeyay deegaannada Galbeed ee Magaalada Kismaayo in ay kusoo qabatay Miinooyin ay diyaariyeen “AS” si loo geliyo waddooyinka sida hadalka loo dhigay.

Col. Gaboobe Xasan Barre, Taliyaha Ciidamada Daraawiishta DG Jubbaland ee Galbeedka Magaalada Kismaayo oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ay burburiyeen shabakad AS u qaabilsan miinooyinka.

Gaboobe ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen Miinooyin la diyaariyay balse aan weli la duugin, waxa uu intaas ku daray in la toogtay dagaalamayaal katirsan “AS” oo ay ku dul-tageen goobta miinooyinka ay kasoo qaadeen waa sida uu hadalka u dhigay.

“Meeshaan waxaa ku dhintay Shacab & Xoolo aad u badan kaddib markii cadawgu uu waddo kasta miino u geliyay, afar bil oo toos ah waxa aan dagaal kula jirnay sidii aan usoo gabagabeyn lahayn miinooyinka la aaso oo aan soo afjarnay, Ciidan ahaan wax khasaara ah nama gaarin balse Shacab ayaa lagu xasuuqay miinooyinkaas” Taliyaha Ciidanka Daraawiishta DG ee Galbeedka Kismaayo.

Col. Gaboobe Xasan Barre ayaa intaas ku daray in dedaal dheeraad ah ay geliyeen sidii looga gungaari lahaa soo afjaridda Miinooyinka la geliyo waddooyinka oo qaar kamid ah la qarxiyay halka 9 kale oo diyaarsan gacanta ku dhigeen.

“Waxaa isla daba-wareegnaba ragga dhigaya Miinada ugu dambeyn waxaa gacanta ku dhignay xilli habeen ah, khasaara badan ayaa gaarsiinayay, waxaana qarxiyay 27 miino, 9 xabo oo diyaarsan ayaa qabanay halka aan dilnay dadkii farsameynayay ee duurka ku jiray oo keliya loo geyn jiray biyaha laga sameeyo” Col. Gaboobe Xasan Barre, Taliyaha Ciidamada Daraawiishta DG Jubbaland ee Galbeedka Magaalada Kismaayo.

Qaraxyada ka dhasha Miinooyinka waddooyinka la geliya ayaa galaaftay nolosha Dad u badan Shacabka oo u socday Magaalada Kismaayo ama ka baxayay, saraakiisha Ammaanka DG Jubbaland ayaa sheegay in ay xoogga saareen howlgallada ka dhanka ah Miinooyinka.

Like it? Share it!

Leave A Response