Kadib Safaradii Jabuuti iyo Turkiga Madaxweyne Farmaajo oo Dalka dib ugu soo Laabtay

by admin | Monday, Aug 20, 2018 | 805 views

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, kadib safar dhowr maalmood qaatay oo uu dalka kaga maqnaa.

Madaxweyne Farmaajo ayaa safarkiisa waxa uu ku tagay wadamada Jabuuti iyo Turkiga, waxa uuna la kulmay madaxda ugu sareysa dowladahaa, oo ay kawada hadleen arrimaha ka dhaxeeya.

Wadada isku xirta madaxtooyada ilaa garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa la xiray, xilligiii uu madaxweynuhu uu soo gaarayay caasimadda.

Like it? Share it!

Leave A Response