Kala Baro dabeecadaha dadka {AKhriso}

by admin | Thursday, Jul 4, 2019 | 842 views

1. Haddii qofka wax kastoo la weydiiyo si adag/qalafsan uga jawaabo is difaacana ku badan yahay, waxaa haya cuqdad nafsi & kalsooni daro.

2. Haddii qofka markuu faraxsan yahay aan hadalka joojin karin, markuu murugeysan yahayna aan eray oran karin, waa qof aan naftiisa kontorooli karin.

3. Haddii qof marki la amaano farxo, marki wax laga sheegana caroodo, waa qof remote-control dad kale u hayaan oo kolki ay rabaan bedeli karaan.

4. Haddii qofka dantiisa dadka uga dhigo dan guud, waa af-miinshaar (Turufatoore)

5. Haddii qofka markuu rabo inuu dadka wax u sheego yiraahda afkeena waa isku amaan inaadan cid kale u sheegeen, waa Xan badane Shar ah.

 

Like it? Share it!

Leave A Response