KENYA OO DIYAARADO DAGAAL KA IIBSATAY IMAARAADKA

by admin | Wednesday, Sep 26, 2018 | 903 views

Dowladda Kenya ayaa sagaal diyaaradood oo kuwa dagaalka ah ka iibsatay dalka Imaaraadka Carabta.

Diyaaradahan oo noocoodu yahay Fennec, ayaa waxaa sameysay Sharikadda Airbus ee Laga leeyahay France,waxaana dowladda Kenya ay kala baxday lacag dhan $200 Milyan oo doollarka Mareykanka ah.

Wasiirka Gaashaandhigga Kenya Raychelle Omamo iyo Taliyaha guud ee Ciidanka Kenya Francis Ogolla,ayaa diyaaradahan ku soo bandhigay saldhigga Ciidanka Cirka Kenya ee Laikipia Air Base.

Kenya waxaa ay sheegtay in diyaaradahan ay u adeegsaneyso dagaalka ka dhanka ah Al-shabab ee ka socda gudaha Kenya iyo Soomaaliya.

Waxaa kale oo diyaaradahan ay galaan in ay ka hortagaan Taangiyada,caawiyaan ciidanka Milatariga ah ee dhulka ka dagaallama, in ay  sahayda Milatariga gaarsiiyaan sidoo kalena looga faa’ideysan karo waxyaabo kale.

Wasiirka Gaashaandhigga Kenya,Omamo  ayaa sheegtay in Kenya ay ku biirtay dalalka  France, Singapore, Thailand, Australian, Brazil, Denmark iyo Imaaraadka Carabta oo uu Malatarigoodu adeegsado diyaaradahan.

Waxaa sidoo kale ay sheegtay in Kenya ay tahay dalkii ugu horreeyay ee Afrika ee adeegsan doona diyaaradahan,waxaa ay sidoo kale madasha ka sheegtay in ay hadda ka dib ka guurayaan diyaaradaha duugga ah ee ay horay uga iibsadeen Canada.

Lacaga diyaaradahan laga bixiyay ayey Kenya ka amaahatay Bangi ku yaalla Dalka Talyaaniga,waxaana lacagta loo bixinayaa si tartiib tartiib ah ilaa 10 Sano.

 

Like it? Share it!

Leave A Response