Kooxo hubeysan oo dil ka geystay Muqdisho

by admin | Saturday, Apr 30, 2022 | 380 views

Kooxo hubeysan ayaa Degmada Yaaqshiid ku dilay Cismaan Maxamuud Cabdi oo ahaa Guddoomiyaha laanta Dalxiis ee degmadaas, iyaga oo dilka kadib goobta ka baxsaday.

Alle ha u naxariistee Cismaan Maxamuud Cabdi ayaa sidoo kale ahaa Sarkaal ka tirsan Guutada 5aad ee Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Ciidanka Booliska degmada Yaaqshid ayaa sameeyay howlgallo ay ku baadigoobayaan kooxihii ka dambeeyay dilka mana jirto cid ilaa hadda lagu soo qabtay.

Magaalada Muqdisho ayaa bilihii lasoo dhaafay waxaa kusoo kordhay falal amni daro, waxaana lagu dilay dad bulshada laga dhex yaqaanay.

Like it? Share it!

Leave A Response