Kulan lagu ansixin lahaa Xubinimadda Somalia ee Golaha EAC oo dib loo dhigay

by admin | Monday, Dec 24, 2018 | 858 views

Markii 2-aad muddo 3 isbuuc gudaheeda ayaa waxaa mar kale dib loo dhigay Kulan-madaxeedka Hoggaamiyayaasha dalalka xubnaha ka ah Golaha Mujtamaca ee Bariga Afrika “East African Community”.

Hadal-qoraal oo ka soo baxay Xoghaynta Ururkaasi ayaa lagu sheegay in Kulanka Madaxweynayaasha dalalka Kenya, Tanzania, Uganda, Rwanda, Burundi iyo South Sudan ee uu  qorshuhu ahaa inuu maalinta Khamiista ee soo socota (27-ka December) ka furmo magaalladda Caruusha ee dalka Tanzania dib loo dhigay ilaa rubuca koowaad ee sannadka soo socda ee 2019-ka.

Saddex isbuuc ka hor, Dowladda Burundiayaa ku dhawaaqday inay ka baxday Golaha “EAC” , taasina waxay keentay in Kulankii Heerka Wasiir iyo kii Madaxweynayaasha la kansal-gareeyo daqiiqadii ugu dambeysay.

Qoraalka oo  uu ku saxiixnaa Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Golaja EAC, Steven Mote waxaa lagu xusay in Kulankaasi la joojiyey sbabo la xiriira La-tashiyo laga leeyahay Taariikhda uu Kulankaasi dhici doona.

Kulan-madaxeedka dalalka Bariga Afrika ee soo socda waxaa Ajendayaasha miiska saaran ka mid ah dhismaha Midowga dhinaca Siyaasadda ee dalalka xubnaha ka ah EAC, kaasi oo  ah Qaabka KMG ee loogu gudbi doona Midwoga Siyaasadeed ee dalalka Bariga Afrika.

Sidoo kale, Kulan-madaxeedka dalalka xubnaha ka ah Golaha Mujtamaca Bariga Afrika ee EAC ee soo socda waxay kaloo ku xaqiijin doonaan Codsigii Jamhuuriyadda Federalka Somalia ee xubinnadda Golaha EAC.

Like it? Share it!

Leave A Response