Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Ma dhabbaa in baaritaan sir ah oo la xiriira Coronavirus ay sameysay Safaaradda Somalia ee Kenya?

by admin | Tuesday, May 19, 2020 | 524 views

Telefishin laga leeyahay Kenya ayaa baahiyay warar sheegaya in safaaradda Soomaaliya ee Nairobi ay sameyneyso baaritaan sir ah oo cudurka corona ah.

Telefishinka Citizen wuxuu sheegay in “warqado caddeyn ah uu helay” oo ah in safaaradda ay baareyso muwaadiniinta Soomaalida ee ku nool Islii ee doonaya in ay dib ugu noqdaan Soomaaliya.

Wuxuu muujiyay muuqaal ay lagu sheegay in si qarsoodi ah loo duubay oo tusinaya dad sii galaya dhismo ku yaalla xaafadda Islii ee Nairobi. Sida uu TV-ga baahiyay dadkaas waxay u socdeen meesha baaritaanka loogu sameynayay, balse lama caddeyn karo sheegashadaas Citizen TV iyo sababta ay dadkaas halkaa u galayeen.

Warqadaha uu telefishinka soo bandhigay waxaa ka muuqda in baaritaanka uu sameeyay sharbaarka Lancet ee Nairobi.

Haddaba, dawladda Soomaliya ayaa si adag uga soo horjeesatay warkaas. Safiirka Soomaaliya u fadhiaya Kenya, Maxamuud Axmed Nuur Tarzan ayaa arrintaas gaashaanka ku dhuftay isagoo sheegay in aysan sir ahayn in dadku ay iska baaraan cudurka, ayadoo la raacayo tilmaamaha dawladda Kenya, laguna baarayo sheybaar ay dawladdu aqoonsan tahay.

“Marka hore, safaaradda Soomaaliya isbitaal ma lahan, mana jiro isbitaal ay heshiis la geli karto”, ayuu yiri safiirka oo BBC Somali la hadlay.

“Dowladda Kenya ayaa tilmaamo bixisay waxaana shardi ah in qofkii ka baxaya halka uu caafimaad qabo uusanna qabin coronavirus. Anaku xaq waxaan u leenahay in dadkeena ku xayiran halkan aan daadgureyno, dowladda Kenya iyo anaguna waan isku waafaqnay, dowladdeena Soomaaliyana waan isku raacnay”, ayuu hadalka ku sii daray.

Like it? Share it!

Leave A Response