Maamulka DDS oo xiray Xarunta Telefeshin ay leedahay Gabar Soomaali ah

by admin | Wednesday, Nov 10, 2021 | 368 views

Hay’adaha Amniga ee Dowladda Deegaanka Soomaalida ayaa albaabada isugu dhuftay Telefishinka NabadTV oo ahaa kan keliya ee madaxa-bannaana ee kajira deegaanka Soomaalida.

Koomishineer ku xigeenka koomishinka Booliska Deegaanka Soomaalida G/sare Maxamuud Sheekh Axmed ayaa sababta ay u xireen Xarunta Nabad Tv xaruntiisii magaaalada Jg-jiga ku sheegay baahinta  warbixin abuuri karta amni daro gaar ahaan kuwo ka dhan ah xaaladda degdegga ah ee ay ku jirto Itoobiya.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in Tv-ga NabadTV uu ka Shaqeeynayay in Magaalada Jigjiga uu dhiig uu ku daato, burbur uu ka dhaco, isla markaana fowdo iyo amni darro ay ka bilaabato, hayeeshee ay ka hortageen, sidoo kalena ay sharciga horkeeni doonaan dadkii ku dhaqaaqay falkaas.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay Koomishineer ku xigeenka koomishinka Booliska Deegaanka Soomaalida in waxyaabaha uu ku dhaqaaqay NabadTV uu yahay mid ay soo abaabuleen dad dano gaar ah leh, sidoo kale Ciidamada Booliska ay ka hortegi doonaan waxkasta oo liddi ku ah amniga.

Telefishinka Nabad ayaa waxaa milkiyadiisa iska leh Wasiirkii hore ee Carruurta iyo Dhallinyarada Itoobiya oo ah gabar Soomaaliyeed.

Like it? Share it!

Leave A Response