Maamulka Galmudug oo cadeeyay mowqifkooda khilaafka doorashada

by admin | Tuesday, Apr 5, 2022 | 359 views

Warsaxaafadeed kasoo baxay Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa lagu sheegay inay Galmudug aad uga walaacsantahay xaaladda khilaafka kasii daraya ee ku yimid hanaankii doorashada oo marayay meel gebogabo ah.

” Galmudug waxay ka xuntahay doorashooyinkii oo heer gebogebo ah maraya oo ay foodda inagu soo heyso dhaarintii Xildhibaanada labada aqal ee BFS, in la abuuro jawi xasilooni darro siyaasadeed oo dhaawici kara dhameystirka doorashooyinka.

Sidoo kale Galmudug waxaa ay sheegtay inay garawsantahay in doorashooyinka dalka lagu soo waday wadatashi, isu-tanaasul iyo wadar-ogol, go’aan kasta oo hal dhinac ahna uu khatar galin karo wadajirka hoggaanka Madasha Wadatashiga Qaran.

Ugu dambeyn Galmudug waxay adkaysay baahida loo qabo ilaalinta hanaankii lagu heshiiyay, taasoo xaqiijineysa khilaaf kasta in lagu xaliyo wadajirka Madasha Wadatashiga Qaranka.

Like it? Share it!

Leave A Response