Xisbiyada Mucaaradka deegaanka Soomaalida oo laga hor istaagay in ay tagaan Hargaysa

by admin | Tuesday, Apr 5, 2022 | 419 views

Wafti ka koobnaa xisbiga ONLF iyo Xisbiga FEP ayaa sheegay in ujeedkoodu ahaa inay dareenkooda la soo qaybsadaan, una tacsiyeeyaan Shacabka Soomaaliland, dhibkii kasoo gaaray musiibadii ka dhacday suuqa wayn ee magaalada Hargeysa balse laga hor-istaagay.

Shir jaraa’id oo ay u qabteen Warbaahinta ayaay ku sheegeen in socdaalkooda ay la socod siiyeen xukuumadda deegaanka Soomaalida balse xaga Soomaliland xukuumadda deegaanka ayna ogaysiinin imaan shahooda.

Waxaa ay ku eedeeyeen Maamulka dowlad degaanka Soomaalida inay  u gudbaan dhanka Soomaliland si ay Shacabka Hargeysa ula qeyb sadaan dhibaatadii ka dhalatay dabka.

Shacabka Soomaaliyeed iyo inta badan Caalamka ayaa aad uga xumaaday dabkii ka kacay Suuqa Waaheen ee Magaalada Hargeysa, iyada oo guddi loo saaray ay qiimeyn horudhac ah ku sheegeen in ay ku khasaartay hanti gaareysa laba Bilyan oo Dollar.

Like it? Share it!

Leave A Response