Maamulka Gobolka Banaadir oo sheegay in uu qeyb ka qaadan doona duruufaha Ciidanka suga Amniga Caasimadda

by admin | Monday, Sep 11, 2023 | 79 views

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo uu Wehliyo Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasada Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa kormeer ku ku tagay baraha Kontorol ee ku yaala Degmooyinka xiga qeybta Bari ee Magaalada Muqdisho.

Duqa Magaalada Muqdisho Madaale ayaa mid mid u booqday baraha Koontarool ee laga soogalo dhinaca Bari, asigoona halkaasi warbixino Amniga quseeya kaga dhageystay saraakiisha iyo ciidankii uu kula kulmay goobihii uu booqday, waxa uuna ku dhiirageliyay sida ay had iyo jeer heeganka ugu yihiin sugida amniga.

Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasada Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in kormeerka ay sameenayeen uu ahaa mid kadis, kaas oo ay ugu guur galayeen xaqiijinta Amniga Caasimadda.

Yabooh ayaa sheegay in Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) uu taageero u muujiyey Ciidamado la geeyey baro kontorool oo cusub kuwaas oo lagu sugayo Amniga Caasimadda, isaga oo sheegay in ay qeyb ka qaadan doonaan dhaawacyada soo gaara Ciidama iyo kuwa duruufaha gaarka ee qaba.

Like it? Share it!

Leave A Response