Madaxtooyada Somalia oo beenisay in Shaqada laga joojiyey Aamin Ambulance

by admin | Monday, Apr 8, 2019 | 749 views

Saacadihii la soo dhaafay ayaa waxaa Baraha Bulshada lagu faafinayey warar sheegaya in dowladda Soomaaliya Shaqada ka joojisay Gaadiidka gurmadka deg dega ee loo yaqaano Aamin Ambulance, waxaana War kasoo saartay dowladda Soomaaliya.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya Cabdi Nuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in aysan waxba ka jirin wararkaas, kadib markii uu xiriir la sameeyey Booliiska Gobolka Banaadir, Maamulka Aamin Ambulance iyo Guddoomiyaha Degmada Hodan.

Waxa uu sheegay Agaasimaha in Booliska Soomaaliya ay doonayaan in si dhow loola Shaqeeya,isla markaana  Aamin Ambulance loo furo wadooyinka loona fududeeyo hawlaha samafalka ay wadaan loogana gacan siiyo.

Sidoo kale waxa uu ka digay inay jiri karaan sida ka dhacday dalal badan in Gaadiidka gurmadka deg dega loo adeegsaday qaraxyo ismiidaamin ah,si taasi looga tashadana uu ugu baaqay in Ciidamada booliska ay la socdaan dhaqdhaqaaqa gaadiidka gurmadka.

Gaadiidka Gurmadka deg dega ee Aamin Ambulance ayaa gurmad deg deg ah u fidisa dadka Shacabka ah iyo cid kasta oo ku waxyeeloowda markii uu qarax ka dhaco Magalada Muqdisho

Like it? Share it!

Leave A Response