Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo gaaray degmada Warsheekh

by admin | Thursday, Apr 1, 2021 | 381 views

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo todobaadadii la soo dhaafay ku sugna Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa Maanta waxaa uu gaaray degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Wafdiga Madaxweyne cali Guudlaawe ayaa waxaa degmada Warsheekh kusoo dhaweeyay, Golaha degaanka degmada Warsheekh, Saraakiisha Ciidamada Dowladda & kuwa AMISOM eek u sugan degmadaas iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Intaasi kadib Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo ah wehlunayeen mas’uuliyiinta Maamulka degmada Warsheekh ayaa waxaa uu dhagax-dhigay iskuul laga dhisayo Xeebta degmadaas, kaas oo ay wax ku baran doonaan dadka ku nool degmada Warsheekh iyo tuulooyinka hoostaga.

Madaxweynaha Hir-shabeelle Iyo Wafdi u hoggaaminayo ayaa degmada Warsheekh u tegay dhameystirka Heshiisayo Nabadeed oo laga dhexwaday beelo ku dagaalamay degaano hoostaga degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Like it? Share it!

Leave A Response