Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo sheegay in Arrimo Siyaasadeed lagu hakiyay Kursiga Hop#086

by admin | Thursday, Apr 14, 2022 | 471 views

Warsaxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Hir-Shabeelle ayaa waxaa lagu sheegay in Hir-Shabeelle ay aad uga xuntahay hakinta sharci darrada ah ee lagu sameeyay Kursiga HOP086 oo deegaan doorashadiisu tahay  Hirshabeelle, kaas oo loo doortay la-taliyaha Amniga Qaranka Farmaajo ee Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

” Hirshabeelle waxay cadeeyneysaa in doorashada kursigaas loo maray hannaan waafaqsan Heshiiskii 17-ka Sebteembar 2020 iyo habraacyadii doorashooyinka oo sax ah, goobjoogna ay ka ahaayeen Gudiyada SEIT, FEIT iyo Gudiga xalinta khilaafaadka, wax cabasha ahna aysan ka imaanin beesha leh kursigaas iyo murashaxiintii ku tartantay sidaas darteedna ay natiijadiisu tahay mid sax ah ayaa lagu yiri” Qoraalka Hir-Shabeelle.

Sidoo kale qoraalka ayaa lagu sheegay in  Hirshabeelle ay ka digeyso tallaabooyinka ay gudiga FEIT ku xagal daacinayaan dhameestirka doorashooyinka dalka.

” Hirshabelle waxay cadeynaysaa in kursiga tirsigiisu yahay HOP086 aysan jirin wax habraac qaldan ah balse loo heysto dano siyaasadeed taasina waxaa cadeyn u ah in gudiga FEIT uu fasaxay kuraastii lala hakiyay iyadoo aysan jirin wax habraac qaldan ah oo lasaxay, arintuna ay tahay anigaa qabsaday anigaana fasaxay tasoo muujineeyso kutakrifal awoodeed.

Uga dambeeyn Maamulka Hirshabeelle ayaa ugu baaqay Gudiga FEIT iney fasaxaan kursiga tirsigiisu yahay HOP086 dhowraana heshiisyadii Madasha Watashiga Qaran si looga fogaado waxkasta oo dib udhac u keeni karo doorashada Dalka.

Like it? Share it!

Leave A Response