Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo sheegay in uu wada-hadal la furaayo dadka kasoo horjeedo Maamulkiisa

by admin | Wednesday, Oct 6, 2021 | 253 views

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle  Cali Guudlaawe Xuseen ayaa ka hadlay dadka kasoo horjeeda Maamulkiisa iyo in dhowr jeer loo diiday tegitaanka Magaalada Beledweyne.

Cali Guudlaawe oo Khudbad ka jeediyay munaasabadda lagu xusayay Sanad-guurada 5aad ee Hir-Shabeelle ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay wada-hadal la galaan cid kasta oo kasoo horjeeda Maamulka Hir-Shabelele.

Waxaa uu sicad u sheegay inay tabasho laga ay jiri karto balse aysan macquul aheyn in la yiraahdo nooma imaan kartid, waxaana Bulshada uu ugu baaqay inay Maamulka la Shaqeeyaan.

Ugu dambeyn Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle  Cali Guudlaawe Xuseen waxaa uu sheegay in ka maamul ahaan ay si cadaalad ugu Shaqeyn doonaan Shacabka kunool degaannada Hir-Shabeelle.

Hadalkaan kasoo yeeray Madaxweynaha Hir-Shabeelle ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli dhowr jeer laga hor-istaagay in uu tago Mavaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan, halkaas oo ay joogaan maleeshiyaad uu wato Janeraal Xuud oo siweyn u diidan doorashadii Cali Guudlaawe Madaxweynaha Hir-Shabeelle.

Like it? Share it!

Leave A Response