Madaxweynaha Puntland oo Guddi Magacaabay

by admin | Sunday, Jul 25, 2021 | 276 views

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa magacaabay guddiga qaban-qaabada iyo diyaarinta xaflada xuska maalinta 1-da August oo ku beegan markii landhisay Maamulka Puntland.
Xubnaha Guddiga kuwaasi oo ka kooban 7 Xubnood ayaa badankood ah Wasiirada Madaxweynaha Puntland, waxaana ay kalanyihiin Magacyadooda.

1. Xasan Shire Cabdi Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda (Guddoomiye)
2. Cabdisamed Maxamed Gallan Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta (Xubin)
3. Aamino Cismaan Jaamac Wasiirka Wasaaradda Haweenka (Xubin)
4. Jaamac Faarax Muuse Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha (Xubin)
5. Cabdisalaan Siciid Faarax Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta (Xubin)
6. Cabdi Xasan Xuseen Taliyaha Ciidanka Booliska (Xubin)
7. Maxamed Cabdirashiid Cali Agaasimaha Guud Madaxtooyada (Xubin)

Like it? Share it!

Leave A Response