Madaxweynaha Somaliland oo dib ugu soo laabtay Magaalada Hargeysa

by admin | Sunday, May 16, 2021 | 271 views

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo wafdi uu hoggaaminayey oo safar ugu maqnaa dalka Jabuuti, ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Hargeysa, iyada oo halkaasi siweyn loogu soo dhaweeyay.

Wafdiga Muuse Biixi ayaa waxaa Magaalada Hargeysa kusoo dhaweeyay qaar kamid ah Labada Gole ee Soomaliland iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, iyada oo intaasi kadib la geeyay xarunta Madaxtooyada ee isla Magaalada Hargeysa.

Muuse Biixi iyo wafdiga la socda ayaa waxaa ay dalka Jabuuti uga qeyb galeen caleemo-saarka madaxweynaha dalka Jabuuti oo maalintii shalay ahayd qabsoontay, iyada oo madax kala duwan oo Afrikan ah ay ka qyeb galeen munaasabadda.

Saacadaha soo socda ayaa waxaa lagu wadaa in Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi uu ka hadlo Munaasabadii uu uga qyeb galay dalka Jabuuti iyo kulamo uu la qaatay qaar kamid ah Madaxdii ka qeyb gashay munaasadda caleemo-saarka madaxweynaha dalka Jabuuti.

Madaxweynaha iyo weftigiisa, waxa gegida diyaaraduhu ka haadaan ee Xumbuli ee magaalada Jabuuti kusoo sagootiyey wasiirka xannaanada xoolaha, kalluumaysiga iyo biyaha Mudane Maxamed Axmed Cawaale (Maxamed Soomaali) iyo Safiirka Somaliland u fadhiya Dalka Jabuuti Amb Cabdifataax Siciid Axmed.

Like it? Share it!

Leave A Response