Madaxweynaha Soomaaliya oo khadka telefoonka kula hadlay dhiggiisa Masar

by admin | Wednesday, Apr 18, 2018 | 878 views

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) oo xalay khadka telefoonka kula hadlay dhiggiisa dalka Masar Mudane Cabdulfataax Al Sisi ayaa uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee ay Dowladda Masar la garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa marka hore ugu hambalyeeyay Madaxweyne Sisi guushii uu ka gaaray doorashadii madaxtinimo ee dhawaan ka dhacday Masar, wuxuuna caddeeyay in soo laabashadiisu ay gacan weyn ka gaysanayso sii xoojinta xiriirkii adkaa ee ka dhaxeeyay labada dal.

Wuxuu sheegay Madaxweyne Farmaajo in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay sii adkeynayso xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah, wuxuuna sheegay inuu ka rajeynayo hormar intaas ka buuran.

Madaxweyne Sisi ayaa dhankiisa adkeeyay in Masar ay diyaar u tahay in ay gacan ku siiso Dowladda Federaalka Soomaaliya dadaallada ay ku xasilinayso dalka, isaga oo uga mahadceliyay Madaxweyne Farmaajo guulaha la taaban karo ee ay Dowladda Federaalku ku tallaabsatay bilihii lasoo dhaafay.

Labada Hoggaamiye oo waqti kooban wada hadlayay ayaa isla soo qaaday qaabkii loo xoojin lahaa xiriirka wadajirka ah iyada oo la sii wanaajinayo iskaashiga labada dhinac ee la dagaalanka argagixisada iyo xagjirnimada.

Sidoo kale dhinacyadan ayaa waxa ay dib u eegeen horumarkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya iyo dadaalka xukuumadda Soomaaliya ay ku soo celisay amniga iyo xasiloonida, si loo fuliyo rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.

Like it? Share it!

Leave A Response