Madaxweyne Farmaajo Oo Ka Cabsi Qaba Afgambi Kaga Yimaado Dalka…

by admin | Sunday, Jun 10, 2018 | 1138 views

Madaxweynaha jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa kasoo horjeeda inuu dib ula heshiiyo dowlada Imaaraadka sida uu Xoghoose.com uu u sheegay Sarkaal ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya.

Sarkaalkan ayaa inoo sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu ka carooday Talaabooyin ay Dowlada Federaalka Soomaaliya ka war heshay oo ay ka mid aheyd in Imaaraadka uu doonayay inuu afgambiyo dowlada uu hoggaamiyo.

 

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa gabi ahaanba ciid ku shubtay markii ay ka war heshay in Lacago aad u badan ay Imaaraadka soo galisay dalka, iyadoo lacagahaasi Xildhibaanadii la siiyay qaarkood ay Madaxweyne Farmaajo u sheegeen dhagarta ay Imaaraadka la dooneyso.

 

Dowlada Imaaaraadka ayaa shir Mucaaradka Dowlada uu hoggaamiyo Madaxweynaha Soomaaliya waxay ugu qabatay magaalada Dubai waxaana shirkaasi uu ahaa mid dowlada ay ku laheyd rag Jaajuusiin ah oo kaga qeyb galay, waxaana sababta ugu weyn ee Madaxweyne Farmaajo uu xiriirka Imaaraadka u dooneyn lagu sheegay inuu markale ka baqayo inay dabin u dhigto.

 

Xiriirka u dhaxeeyay Dowlada Soomaaliya iyo Imaaraadka ayaa xumaaday ka dib dowlada Imaaraadka ay faragalin ku sameysay siyaasadda Soomaaliya, waxaana wali laga cabsi qabaa inay adeegsato Madaxda Maamul Gobaleedyada oo taageersan qorshaha Imaaraadka.

Like it? Share it!

Leave A Response