MADAXWEYNE FARMAAJO OO KU WAJAHAN DALALKA TURKIGA IYO CHINA.

by admin | Tuesday, Aug 14, 2018 | 873 views

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Framaajo ayaa la filayaa in uu booqasho ku tago dalalka Turkiga iyo China dhamaadka Bishan.

Safarka ugu horreeya ee Madaxweyne Farmaajo waxaa uu ku tagi doonaa dalka Turkiga,halkaas oo ka sii aadayo Dalka China.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo la hadlay   warbaahinta  ayaa xaqiijiyay in Madxweyne Farmaajo uu booqanayo dalalka kor ku xusan.

Waxa uu sheegay in booqaahada China ay la xiriirto casuumaad uu ka helay Dhiggiisa China iyo ka qeybgalka shirka China iyo Afrika.

Shirka iskaashiga China iyo Afrika ayaa dalkaas ka dhacaya inta u dhaxeysa 3-da ilaa 4ta Bisha September ee sanadkan,waxaana ka qeybgelaya Madaxda Waddamada Afrika.

Shirkan waa mid sanadkiiba mar dhaca islamarkaana lagu qabto dalka China ama dal ka mid ah qaaradda Afrika,kaas oo inta badan xoogga lagu saaro xiriirka China iyo Afrika iyo sidoo kale maalgashiga China ee Qaaradda Afrika.

Like it? Share it!

Leave A Response