Guddiga Xuquuqul Insaanka Baarlamaanka Oo Shaaciyey Tacaddi Lagu Haayo Dadka Ku Jira Xabsiyada Ay Maamusho Dowladda

by admin | Tuesday, Aug 14, 2018 | 933 views

Guddoomiyaha Guddiga Xaquuqul Insaanka ee Golaha Shacabka Soomaaliya Xaawo Yuusuf Cali ayaa sheegtay in guddigooda ay booqdeen Xabsiyada badan oo ku yaalla  Muqdisho dadna ay ku xiran yihiin,isla markaana ay dhibaatooyin ka jiraan.

Waxa ay sheegtay in Xabsiyada qaarkood loo diiday in ay tagaan,sida Xabsiga godka Jilacoow,hayeeshee qaarkood ay arkeen maxaabiista in ay Xabsiga dhexdiisa ku xanuunsadeen.

“Xabsiyadii aan tagnay dhibaatooyin ayaa ka jira kuwana waaba naloo diiday oo looma ogola in xildhibaanada ay tagaan laakin waxaan idiin sheegayaa in ay ka jiraan tacadiyo xabsiyada ay dadka ku xiran yihiin oo ay maamusho dowladda federaalka Soomaaliya ayay tiri Xildhibaan Xaawo Yuusuf Cali.

Iyada oo sii hadleysay ayay sheegtay in Xabsiyada uu ka jiro culeys dhinacyo badan ah,isla markaana ay weli ku jiraan dad lagu iloobay oo aan wax dan ah laga laheyn waa sida ay hadalka u dhigtay.

Marka laga soo tago hadalka Guddoomiyaha Guddiga Xaquuqul Insaanka ee Golaha Shacabka Soomaaliya Xaawo Yuusuf Cali ayaa hadana waxaa mararka qaar jirta Cabasho dadku ay ka keenaan Xabsiyada oo siyaabo kala duwan dadka loogu xiro.

Like it? Share it!

Leave A Response