Madaxweyne Farmaajo Oo Shir Uga Qeyb Galaya Itoobiya

by admin | Wednesday, Sep 12, 2018 | 901 views

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socdo u ambabaxaan dalka Itoobiya.

Ujeedka safarka Madaxweynaha ayaa lagu sheegay inuu Magalada Adis Ababa uga qeyb geli doono Shir ay yeelanayaan Madaxda Wadamada ku midoobey Urur Goboleedka IGAD.

Shirkaas ayaa waxaa ka horeeyey shir gaar ah oo ay yeelanayaan Wasiirada Arrimaha Dibada Wadamada IGAD,iyada oo toban Sano kadib shirkaasi uu ka qeyb galayo Madaxweynaha Dowladda Eritrea.

Eritrea ayaa Urur Goboleedka IGAD waxa ay ka baxday toban Sano ka hor markii Ciidamada Itoobiya soo galeen Gudaha Soomaaliya oo ay ka soo horjeesteen,waxaana Eritrea ay dib ugu soo laabaneysaa Urur Goboleedka IGAD.

Wafdiga Madaxweyne Farmaajo ayaa Gordhow ka ambabixi doono Magalada Muqdisho,waxaana la xiray Wadada ka baxda Madaxtooyada ee aada dhinaca Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde,waxaana safarka ku wehlin doona Xubno Wasiiro ah.

Like it? Share it!

Leave A Response