Madaxweyne Gaas oo ka ambabaxay Garowe

by admin | Saturday, Jul 14, 2018 | 1000 views

Cabdiwali Maxamed Cali Gaas Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland ayaa goordhow ka dhoofay Magaalada ee Caasimadda Puntland, waxaana uu kusii jeeddaa  dalka Buljimka halkaas oo la filayo inuu dhawaan ka furmo shir looga hadlayo arimaha Soomaaliya.

Madaxweynaha oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in uu ka qeyb gali doona Shirka halkaasi ka furmaya ee looga hadlaayo Arrimaha Soomaaliya.

Magaalada Brussels ee daka Belgium-ka  waxaa ka fumri doona shir ku saabsan Arrimaha Soomaaliya oo ay ka qeyb gali doonaan AU, IGAD, EU, UN iyo dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya.

Safarka Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa kusoo aadaya xili wali ay taagan tahay xiisada u dhaxaysa Puntland iyo Somaliland ee ka taagan degaanka Tukaraq ee Gobolka Sool.

Qodobadda Shirkaan diiradda lagu saari doona waxaa ka mid ah ammaanka, dhaqaalaha iyo dagaallada ka dhanka ah Al-shabaab.

Like it? Share it!

Leave A Response