Madaxweyne Joe Biden oo hoggaamiyaha Ciidanka Badda Mareykanka u magacaabay Haweeneydii labaad ee gaartay Derajada Admiral.

by admin | Saturday, Jul 22, 2023 | 146 views

Madaxweynaha 46aad ee Mareykanka Joe Biden ayaa Hoggaanka Ciidanka Badda Dalkaas u magacaabay Lisa Franchetti oo ah Haweeneydii labaad ee gaartay Derajada Admiral ee afarta xiddig ah si ay hoggaamiso ugu noqoto ciidankaas.

Lisa ayaa sidoo kale soo noqotay Madaxii hore ee Guutada 6aad ee Mareykanka iyo Ciidamada Badda Dalkaas ee jooga Dalka Kuuriyada Koofureed, waxaana intaas u dheer in ay Taliye ka noqotay weerar qaadista.

Waxa ay sugeysaa in codeyn ay ka hesho Senate-ka Mareykanka, haddii codeyntaas ay u suuragasho waxa ay Lisa noqoneysaa Haweeneydii ugu horreysay ee xubin ka noqota kooxda caanka ah ee saraakiisha sare Ciidamada eek a kooban taliyeyaasha isku dhafka ah.

Haweeneydaan oo ah 38 jir waxa ay durba garab istaag ka heshay mas’uuliyiin katirsan Dowladda Mareykanka maadaama waxqabadkeeda & dedaalkeeda uu yahay mid bannaanka yaalla waa sida hadalka loo dhigay.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa war uu soosaaray ku amaanay Haweeneydaan isaga oo ugu yeeray in ay tahay qof khibrad ballaaran si gaar ah dhinacyada howlgallada & siyaasadda waa sida yiri Madaxweyne Biden.

Like it? Share it!

Leave A Response