Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur: “Aan Awooddeena isugu-geyno in Doorasho Dadban aan ku baddelno mid Dadweyne”.

by admin | Saturday, Jul 22, 2023 | 140 views

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo xubin ka ah Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in uu taageerayo sidii looga gudbi lahaa Doorasho Dadban loona aadi lahaa mid Dadweyne.

Waxa uu soo jeediyay in la joogo waqtigii Dalka lagu qaban lahaa Doorasho Dadweyne si Shacabka uu ugu codeeyo qofka uu u baahan yahay lagana gudbo metalaadda lagu soo maalmo gudbay waa sida uu hadalka u dhigay.

Madaxda Dowladda Federaalka, Dowlad-Goboleedyada, Siyaasiyiinta & cid weliba oo door ka qaadan karta ayuu ugu baaqay in kaalinteeda ka qaadato si looga guuro nidaamka Kumeel-gaarka ah loona saldhigo Doorashooyinka Dalka.

“Aniga waxa aan ahay dadka taageera Doorasho Dadweyne, Awooddeena aan isugu geyno Dowlad Federaal, Dowlad-Goboleed, Siyaasi ama Baarlamaan intaba in Doorashada Dadban aan ka baddelno una baddelno mid Dadku wax dooranayaan, intaas haddii aan xaqiijino waxa aan aaminsanahay in laga gudbay mid kamid ah yoolka looga gudbayo Kumeel-gaarka” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Khilaafka iyo Shakiga ayuu sheegay in uu yahay mid dhaawac ku ah horumarka lagu gaarayo in la rumeeyo riyada ah ‘Doorasho Dadweyne ama Doorasho qof iyo cod ah’ si lamid ah waddamada kale ee Caalamka.

“Ajendaha Dad badan baa shaki ka qaba maxaa hadda loo sameynayaa? Maxaa looga dan-leeyahay? Ma awooddaa la marooqsanayaa, shakigaas & mugdigaas waxa uu keenayaa keliya in uu sii adkeeyo horumarkii laga sameyn lahaa dhanka Siyaasadda” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa ku heshiiyay Doorasho Dadweyne oo dalka ka dhaceysa, waxaa xigay kulamo dhowaan uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka uu la qaatay madaxdii hore ee Dalka & siyaasiyiin si looga arrinsado su’aalaha ay ka qabaan.

Like it? Share it!

Leave A Response