Dhageyso;- Cali Jayte oo weji cusub u yeelay KHILAAFKA kala dhexeeya Cali Guudlaawe

by admin | Saturday, Jul 22, 2023 | 208 views

Guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan, Cali Jayte Cismaan oo mar kale war cusub soo saaray ayaa ka hadlay xiisadda kala dhexeysay hoggaanka HirShabelle, isaga oo xog ka bixiyay arrinta ay isku qatbeen ee ay kula tageen.

Cali Jayte oo weji cusub u yeelatay khilaafka kala dhexeeya madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa shaaca ka qaday inay isku qabeen arrin ku aadan horumarka shacabka HirShabelle.

‘Waxaan isku qabanay horumarka ummadda wax kale isku meynaan qaban waxyaalaha Soomaalidu hadal heyso isku-maan qaban” ayuu yiro Cali Jayte Cismaan.

Guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan ayaa sheegay in arrintaas ay tahay dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab oo uu isugu hoggaaminayay, wuxuuna tilmaaay in madaxweyne Cali Guudlaawe uusan raali ka aheyn dagaalkaasi, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in taasi caddeynta uu hayo, isla-markaana maalina uusan ka hadlin guulaha laga gaaray dagaalka , balse mar dambe ay ku qasbeen.

“HirShabelle raalli kama aheyn inaan cadowga ka saarno dalka waxaana caddeyn kuu ah dhowr dhacdo oo ay sameeyeen hal maalin Cali Guudlaawe kama hadlin guulaha aan ka gaarnay dagaalka illaa aan ka gaarno degmada Aadan Yabaal” ayuu sii raaciyay.

Cali Jayte ayaa horay uga horyimid xilka qaadistii lagu sameeyay, taas oo xiisad horleh ka dhalisay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, wuxuuna gooni isaga taagay HirShabelle, isaga oo sidoo kale ku dhaawaqay maamul la magac baxay ‘Hiiraan State’.

Guddoomiyihii hore ee Hiiraan ayaa sidoo kale ku gacan seeray inuu xilka ku wareejiyo guddoomiyaha cusub ee Cabdullaahi Sufurow, waxayna labaduba haatan ku sugan yihiin gobolka Hiiraan, gaar ahaan Beledweyne, halkaas oo uu ka jiro is barbar yaac maamul.

Hoos ka dhageyso:Guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan.

 

Like it? Share it!

Leave A Response