Guddoomiyaha Mandhera: 60% Gobolka Mandheera waxaa gacanta ku haya Al-Shabaab

by admin | Saturday, Jul 22, 2023 | 112 views

Guddoomiyaha gobolka Mandera Maxamed Aadan Khaliif ayaa shaaca ka qaaday in gobolkiisa Mandhera boqolkiiba 60 ay gacanta ku hayaan kooxda Al-Shabaab.

Guddoomiyaha ayaa sheegay joogitaanka kooxda Alshabaab in ay saameyn ku yeelatay adeegyadii kala duwanaa ee ka jiray qeybo ka mid ah gobolkiisa.

Hadalkaan ayuu ka sheegay kulan looga hadlayay sidii wax looga qaban lahaa falalka amni darro ee Al-Shabaab ka wadaan gobolka Waqooyi Bari ee Kenya, oo ay madaxdu ku baaqeen in loo istaago sidii looga hortagi lahaa weerarada argagixisada.

Shirka amniga ayaa waxaa ka qeyb galay guddoomiyeyaasha gobollada iyo guddiga sirdoonka ee gobolka oo ka kala socday afar gobol oo dhaca xadka Kenya iyo Soomaaliya.

Hogaamiyayaasha deegaanada ay saameeyeen weerarada Alshabaab ayaa ka arinsaday weerarada sii kordhaya ee Al-Shabaab.

Hoggaanka maamul goboleedyada Mandera, Wajeer, Garissa iyo Lamu ayaa sheegay in kulanka ka sokow laga soo saaray go’aamo ku saabsan sida looga hortagi karo Al-Shabaab, ayna ku baaqeen in bulshada laga wacyigeliyo sidii meesha looga saari lahaa waxyaabaha taageera falalka argigixisada.

“Kulankan ayaa looga hadlay sidii bulshada deegaanka loogu wacyi-gelin lahaa inay gacan ka geystaan kuwa doonaya inay amni-darro ka geystaan gobolkeenna,” ayuu yiri guddoomiyaha degmada Wajeer, Axmed Cabdullaahi.

Xildhibaanka laga soo doorto bariga Lamu, Ruweida Mohamed ayaa sheegtay in weerarada ka dhaca gobolada xaduudka aysan kaliya ahayn kuwo khatar ku ah ciidamada ammaanka. Balse ay sidoo kale saameynayso dadka madaxda  ah oo iyada ay ku jirto.

Guddoomiyaha Mandhera ayaa sheegay in maamulkiisa uusan awoodin in uu u adeego shacabka sababo la xiriira Al-Shabaab oo ku sugan gobolka.

“Tusaale ahaan gobolka Mandheera, boqolkiiba 60 waxaa maamula Al-Shabaab. Ma bixin karno adeegyo bulsho, “ayuu yiri.

Hogaamiyayaasha ayaa ku baaqay in la taageero dowladda si loola dagaalamo kooxda Alshabaab.

Like it? Share it!

Leave A Response