Labada Gole ee Baarlamaanka 11aad ee JFS oo maanta fadhi wadajir ah ku leh Villa Hargeysa.

by admin | Saturday, Jul 22, 2023 | 94 views

Xildhibaannada Golaha Shacabka & Senatarada Aqalka Sare Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xarunta Villa Hargeysa ku leh kulan wadajir ah sida uu guddoonka labada Gole.

Kulankaan oo baaqday Arbacadii ayaa maanta loo baddelay iyada oo Xildhibaannada & Senatarada si wadajir ah loogu diray fariinta ballaminta kulanka maanta si ay ugu diyaargaroobaan una tagaan xaruntooda.

Saacadihii u dambeeyay waxaa socday kulamo si hordhac ah looga hadlayo ajendaha fadhiga maanta ee kulanka wadajirka ah ee labada Aqal Baarlamaanka si Xildhibaannadu & Senataradu ay ugu diyaargaroobaan doodaha ay gudbinayaan.

Xarunta uu sida KMG ah uu ugu shiro Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka waa Villa Hargeysa halka Aqalka Sare uu kulamadiisa ku qabsado xaruntiisa balse waqtiyada kulamada wadajirka ah ay jiraan ayay isugu tagaan xaruntaan.

Inta badan kulamada Wadajirka ah ee Labada Gole waxa ay dhacaan waqtiga la furayo ama la xirayo kalfadhiga, xilliyada ay Madaxda Dowladda dalbadaan in si guud ula kulmaan iyo marka Guddoonkooda ay codsadaan in si wadajir ah fadhi uga yeeshaan qodobada qaar ee horyaalla.

Like it? Share it!

Leave A Response