Ugu yaraan 6 ruux oo tahriibayaal ah oo ku geeriyootay Doon ku degtay Xeebaha Marooko.

by admin | Saturday, Jul 22, 2023 | 145 views

Dowladda Marooko ayaa faah-faahin ka bixisay dad ku dhintay Doon ku degtay Xeebaha Dalkaas iyada oo Wakaaladda Wararka u faafisa Waddankaan dhaca Waqooyiga Qaaradda Afrika sheegtay in Ugu yaraan 6 ruux ay dhinteen.

Waxaa la badbaadiyay 48 qof oo doonta dadka saaran qayb ka ahaa iyaga oo la geeyay mid kamid ah goobaha loogu talagalay in lagu hayo Tahriibayaasha iyo soogalootiga sida sharci darrada ah ku gala Dalka Marooko.

Dowladda ayaa ku dhawaaqday inay ku howlan tahay baaritaan la xiriira dhacdadaan iyo sidii ay uga hortagi lahayd in uu xargaha goosto tahriibayaasha damacsan in ay tagaan waddankaan xuduud biyeedka la leh Spain.

Marka laga tago in baaris ay ku howlan tahay Xukuumadda Rabaat ma sheegin dad ay u qabatay arrintaan maadaama tahriibayaasha ay ka macaashaan dad isku xiran oo kala jooga waddamo badan sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan oo la socda dhaqdhaqaaqa dadkaas.

Waddamo badan oo xooggooda dhaca Galbeedka & Waqooyiga Qaaradda Afrika ayaa noqday marin ay ka tagaan Tahriibayaasha aaminsan in ay Yurub ku helayaan nolol uga wanaagsan midda dalalkooda iyaga oo halis weyn gelinaya naftooda.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in sanadihii u dambeeyay ay kordheen Dadka tahriibayaasha ah ee badaha ku dhimanaya, taasi waxaa loo sababeeyay doomaha oo si xad-dhaaf ah ay usoo raacaan iyo kaalinta kahortagga oo gaabis ku yimid.

Like it? Share it!

Leave A Response