Wasiir Roobow: “Shirkadihii Basaska ee gudan waayay heshiiskii Xujeyda lagu qaadayay lacagaha waan kasoo celinay”.

by admin | Saturday, Jul 22, 2023 | 94 views

Wasiirka Diinta & Awqaafta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur ayaa sheegay in Wasaaraddu ay ka daba-tagtay shirkadii Basaska ee heshiiska ku galay in ay u adeegayaan xujeyda balse gudan waayay waajibka saaran.

Roobow ayaa tilmaamay in lacagaha laga soo celiyay qayb kamid ah Basaska fulin waayay heshiiska lala galay ay ku jirto ‘Gacan aamin’ isaga oo xujeyda uga cudurdaaray dhibaatooyinkii ay la kulmeen oo isla xisaabtan looga daba-tagay.

“Sanadkaan Hajku waala dedaalay, waxyar oo dhib ah waxa uu kasoo laabtay Basaska kuwaas oo inoo soo kireeyeen shirkadaheenu oo awalna ahaayeen kuwii ay kasoo kireysan jireen ee la aaminay laakiin dhinacooda xoogaa dhib uu kasoo laabtay oo Basaskii la waayay, runtii markii la waayay xajka uma istaagin, Dowladda Sacuudiga aan u mahadcelineyno oo labadii maalin gaadiidkii aan u baahanay naga kaabtay” ayuu yiri Wasiirka Diinta & Awqaafta XFS Mukhtaar Roobow.

Madaxda Dowladda ayuu sheegay Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur in ay ka warqabaan arrintaan kuna wargelisay Wasaaradda.

“Sida uu hadda Guddoomiyaha inoo sheegay, lacagtii mucdamkeeda waa laga soo celiyay oo gacan aamin ah ayay ku jirtaa waxaana og dhammaan Madaxda Qaranka” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Wasiirka Diinta & Awqaafta XFS.

Tiro Xujey Soomaali ah ayaa cabasho ka keentay Basaskii loo qorsheeyay oo ay waayeen iyaga oo sheegay in saacado badan ay ku daaheen meelihii ay joogeen inkasta oo markii dambe laga soo qaaday sida ay qirtay Wasaaradda Diinta & Awqaafta XFS.

Like it? Share it!

Leave A Response