Wiil Jaamacad ka baxay oo looga shakiyay in uu xaday Rooto oo nolosha la dhaafiyay

by admin | Saturday, Jul 22, 2023 | 176 views

Wiil dhallinyaro ah oo u dhashay dalka Nageria ayaa garaacis iyo toorey lagu dilay, kaddib markii lagu eedeeyay in uu xaday rooti, waxaana dilkan aad uga naxay ehelada wiilkan iyo dadkii kale ee yaqaanay.

Ebimotimi Freeborn Opuofoni oo 32 sanno jir ahaa ayaa noloshiisa ku waayay wax aan micno laheyn sida ehelkiisa tilmaameen, waxaan ninkan dilay oo toorey iyo budad la dhacay dhallinyaro ku eedeesay xatooto rooti.

Wiilkan la dilay ayaa cilmiga ganacsiga ku bartay Jaamacadda Lead City University ee kutaalla Nageria, waxaana ninkan la sheegay in uusan waligiis guursan, sidoo kale aan ku shaqeysan cilmiga uu bartay.

Ehelada wiilkan ayaa sheegay in ay aad uga naxeen dilka loo geestay, waxa ayna xuseen in uu ahaa nin dadaal badan oo natiijo fiican ka keensaday jaamacadda uu ka baxay, waxa ayna booliiska ugu baaqeen in la baaro kiiskan dilka ah.

Ciidamada booliiska ayaa gacanta kusoo dhigay saddex dhallinyaro ah oo lagu tuhmayo in ay ka dambeeyeen dilka Ebimotimi Freeborn Opuofoni , waxa ayna booliiska sheegeen in raggan xiran baaris ku wadaan ayna hor-geenayaan caddaaladda.

Like it? Share it!

Leave A Response