Koonfur Galbeed oo ku dhawaaqday howlgal ka dhan ah kooxda Al-shabaab

by admin | Saturday, Jul 22, 2023 | 160 views

Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in dhawaan howlgalo culus ay ka bilaabi doonaan wadada dheer ee xariira magaalooyinka Baydhabo iyo Muqdisho oo ay kaga saarayaan kooxda Al-shabaab.

Lataliyaha madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Maxamed Xasan Laftagareen ee dhanka arrimaha Warbaahinta Maxamed Sheekh Cabdullaahi Xaayow ayaa sheegay in Koonfur Galbeed ay wado qorshe la xariira sidii go’doonka looga qaadi lahaa deegaanada Koonfur Galbeed ee kooxda go’doomisay.

Wuxuu sheegay in ciidanka Daraawiishta iyo kuwa Fedaraalka ay ka howlgalayaan deegaanada Koonfur Galbeed ay kaga sugan yihiin Ururka Al-shabaab.

“Diyaargarow xooggan oo wajiga labaad ee howlgallada la dagaalanka Al-shabaab ayaa hada socda waxaana la diyaariyay ciidamada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ee qaybta ka qaadanaya howlgalladaas oo la doonayo in lagu ciribtiro kooxda Al-shabaab” ayuu yiri Lataliyaha Madaxweyne Lafgagareen Maxamed Sheekh Cabdullaahi Xaayow

Lataliyaha ayaa sidoo kale xusay in wadada keliya ee guusha looga gaari karo Shabaab ay tahay in guud ahaan maamul iyo shacab in si wadajir ah loola dagaalamo kooxda.

Hadalka masuulkaan ayaa kusoo beegmaya, iyadoo maalintii 11-aad ay xaalad go’doon ah ku jirto magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, taasoo sababtay sicir barar dhanka maciishadda ah oo gaaray labo laab qiimihii horay loo iibin jiray wax walba.

Like it? Share it!

Leave A Response