MADAXWEYNE WAARE “MOWQIFKEENA WAAN KA GADI WEYNAY XAQ BAY U LEEYIHIIN, INAGUNA NAMA QASBI KARAAN”.

by admin | Wednesday, Oct 10, 2018 | 904 views

Maxamed Cabdi Waare Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle ayaa sheegay in Maamulkiisa aan laga saarin xubinnimada Golaha iskaashiga Dowlad Goboleedyada.

Waxa uu tilmaamay in uu guul dareystay qorshe ahaa in Madaxda Afarta Madaxweyne Maamul Goboleed ay ugu gadayaan Heshiiskii uu la galay Dowladda Federaalka.

Waare ayaa sheegay in aan jirin Cid ku matasha Shirar ka socda Magaalada Nairobi oo ay Madaxda Maamul Goboleedyada la yeelanayan Xubno ka socda Beesha Caalamka.

Dastuurka Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada ayuu tilmaamay in uuu ka xusan yahay Shanta Maamul Goboleed ee kala ah:- Puntland, Jubbaland, Koofur Galbeed, Hir-Shabeelle iyo Galmudug.

Waxa uu sheegay in ay Golaha Xaq u leeyihiin in ay diidaan ka dhaadhicintooda heshiiskii uu Maamulka Hir-Shabeelle la galay Dowladda Federaalka, sidaas oo kale waxa uu tilmaamay in aan xaq u laheyn in iyanne lagu colaado go’aan ku dhisan Maslaxada Hir-Shabeelle.

Shirarka lagu galayo Magaca Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada Waare waxa uu sheegay in ay Xaq u leeyihiin ka qaybgalka oo aan laga hor istaagi karin, maadaama Xubin ay ka yihiin golaha.

Dhanka kale Madaxweynaha Hir-Shabeelle waxa uu ka hadlay Howlgalo ka socda Deegaanada dhaca Xadka u dhaxeeya Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Waxa uu sheegay in lagu furayo Waddooyinka Xiran si dib loogu furo Muqdisho illaa Magaalada Baladweyne, waxa uuna rajeeyay in dhowaan howlgalkaas lagoo gaba-gabeeyo.

Like it? Share it!

Leave A Response