Madaxweyne Waare oo gaaray Beled weyne iyo Banaanbax ka bilowday

by admin | Wednesday, Jun 12, 2019 | 713 views

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa Safar deg deg ah oo uu ka soo laabtay dalka Kenya maanta ku gaaray Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Madaxweyne Waare ayaa garoonka Diyaaraddaha ee Magaalada Beledweyne waxaa kusoo dhaweeyay Gudoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan Caraale.

Madaxweynaha ayaa sheegay in sababta uu u tagay Magaalada in ay tahay soo Afjaridda Xiisadda ka dhalatay xilka qaadistii Gudoomiyihii gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed.

Markii uu soo gaaray Magaalada ayaa waxaa bilowday Banaanbax xooggan oo looga soo horjeedo, islamarkaana lagu taageerayo Gudoomiyihii xilka laga qaaday Yuusuf Dabageed.

Like it? Share it!

Leave A Response