Xildhibaano sheegay inay Xukuumadda Soomaaliya la xisaab tamayaan

by admin | Wednesday, Jun 12, 2019 | 685 views

Qaar kamid ah Xildhibaanada golaha shacabka ee kasoo jeeda deeganada Maamulka hirshabeele oo Maanta Warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay ka hadleen khilaafka Siyaasadeed ee kajira gobalka hiiraan iyo dagaalkii shalay ka dhacay deegaanka kalabeyr  ee  uu kugeeriyooday taliyihii ciidanka booliska ee Gobolka Hiiraan.

Xildhibaan Daahir Amiin jeesow oo kamid ahaa Xildhibaanadii la hadlay Warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in ay magacabayaan guddi u kuurgalaya dagaalkii shalay kadhacay degaanka kalabeyr ee duuleedka magaaladaasi Baladweyne .

Waxa uu sheegay Xildhibaanka in  Ciidamada kala duwan ee dowladda ee kahowlgala gobalkaasi hiiraan ay ka qayb qaateen dagaalkaasi,isla markaana arintaasi baari taano ay ku sameyn doonaan hadii ay cadaatana ay kula xisaabtami doonaan Xukuumadda Soomaaliya .

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Amiga Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa dhankiisa dhinacyada dagaalamay waxa uu ugu baaqay in ay dagaalka joojiyaan ayna adkeeyaan midnimada maamulka Hirshabeele,waxa hadalkiisa intaasi ku daray  in waxa laysku heysto uu yahay  khilaaf siyaasadeed loona baahan yahay in la raadiyo xal siyaasadeed .

Waxgaradka, Odayaasha dhaqanka iyo Culuma udiinka gobalka Hiiraan ayuu dhankooda ugu baaqay in ay ka qayb qaataan nabadeynta dadkii uu dagaalka dhexmaray ee ku wada sugan gudaha Gobolka Hiiraan.

Like it? Share it!

Leave A Response