Madaxweyne wiilkiisa u Magacaabay xil weyn

by admin | Tuesday, Feb 19, 2019 | 849 views

Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni  ayaa wiilkiisa u Magacaabay in uu noqdo qofka  labaad ee ugu sarreeyo militariga dalkaasi.

Janaraal Kainerugaba Muhoozi ayaa lagu tilmaamaa in uu yahay qofka baddali doono aabihiis Yoweri Museven oo 81 jir ah.

Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in laga cabsi qabo in Saraakiisha Milatariga dalkaasi ay isku dayaan in ay xilka ka tuuraan Museven.

Sanadyadii  ugu dambeeyay Janaraal Muhoozi waxaa la dalacsiiyay ilaa saddex jeer, hadda waxaa loo magacaabay ninka labaad ee ugu sarreeyo militariga Uganda, waxaa hadda ka sarreeyaa oo kaliya ah aabihiis Yoweri Museveni oo ah madaxa ciidammada qalabka sida.

Like it? Share it!

Leave A Response