Dowladii hore ee Somalia ayaan kala saxiixanay heshiis xuduudeena lagu calaameeyay”

by admin | Tuesday, Feb 19, 2019 | 813 views

Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda ee dalka Kenya, Moses Wetangula ayaa sheegay inay Dowladaha Somalia iyo Kenya ay horey u kala saxiixdeen Heshiis kaasi oo ku saleysan dhanka xuduuda badda.

Heshiiskaasi ayuu sheegay in labada dowladood ay kala saxiixdeen xilligii  Dowladdii Madaxweyne Mwai Kibaki ay hogaamineysay dalka Kenya, sida uu hadalka u dhigay.

Moses Wetangula oo hadalkaasi ka jeediyey  Xarunta Dhexe ee Xisbiga FORD ee magaalladda Nairobi, balse ma uusan sheegin Sannadka saxda ee Heshiiskaasi qalinka lagu duugay.

Laakiin Moses Wetangula ayaa ahaa Wasiirka Arrimaha Dibedda Kenya muddadii u dhexeysay sannadihii 2008-dii ilaa 2010-kii iyadoo mar labaad oo loo doortay xilkaasi sannadihii 2011-kii ilaa 2012-kii.

“Ka Wasiir ahaan, waxaan Wada-xaajood la galay Dowladdii Somalia ee xilligaasi, waxaana wada saxiixanay Heshiiska lagu calaameeyey xuduud-baddeedka” ayuu yiri Mosees Wetangula.

Waxa uu intaasi ku daray inay Nuqulka Heshiiskaasi iyo Khariidada Badda ee la isla gartay u gudbiyeen Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay,  sida uu hadalka u dhigay Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Kenya.

Dhinaca kale, Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibedda ee dalka Kenya, Moses Wetangula waxa uu Dowladda Kenya u sheegay inay Kenya leedahay xuduud-baddeedka ay Somalia qabsatay.

Sidoo kale wuxuuna intaasi ku daray in Kenya looga baahan yahay inay la xiriirto Saaxiibadeeda si ay ugu muujiyaan Dhaqdhaqaaqa Joogitaanka.

Madaxdii dalka xukumeysay xiliga uu xilka hayay wasiirkii arrimaha dibadda Kenya ayaa horey u sheegay inaysan jirin heshiis badda Kenya loogu ogolaaday balse heshiiskaasi uu ahaa in laga wada xaajoodo kaliya sheegada Kenya ee dhanka Badda.

Xiligaasi waxaa dalka madaxweyne ka ahaa Shariif Sheikh Axmed, waxaa ra’iisul wasaare ka ahaa Cumar C/rashiid Cali, iyadoo wasiirka qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ka ahaa C/raxmaan Cabdi Shakuur, waxaana hadda la sugayaa jawaabta ay madaxdaasi ka bixiyaan hadalka wasiirkii hore ee Dibadda Kenya.

Like it? Share it!

Leave A Response