Ganacsatada khaadka oo maanta ku dhowaaqay inay joojiyeen khaadkii Kenya

by admin | Tuesday, Feb 19, 2019 | 1315 views

Qaar ka mid ah ganacsatada khaadka keena Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay inay joojiyeen gabi ahaanba jaadkii ay ka keeni jireen dalka Kenya, kadib markii shalay ganacsatada khaadka Kenya ay sheegeen inay joojin doonaan khaadka ay keenaan Soomaaliya.

Kadib markii ay magaalada Muqdisho kula hadleen warbaahinta, ganacsada khaadka ayaa sheegay inay maanta laga bilaabo joojiyeen khaadkii ay ka keeni jireen gabi ahaanba dalka Kenya.

Guddoomiyaha guddiga ganacsatada Khaadleyda Soomaaliyeed, Qooje Maxamuud oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inay go’aankasi qaateen kadib go’aankii dowladda Soomaaliya, islamarkaana ay taageersan yihiin qaranka Soomaaliya.

“Laga bilaabo maanta waan joojinay khaadkii inooga imaan jiray Kenya, waxaana ka dooranay difaaca qarankeena, baddeena iyo dhulkeena, wixii intaasi dheer oo siyaasad ah waxaan u dhaafnay dowladda Soomaaliya, khaadkana waxaan ka keensaneynaa dalka Itoobiya oo Suuqeenii aan u wareejinay.” Ayuu yiri Gudoomiyaha Guddiga Ganacsatada khaadleyda Soomaaliyeed.

Waa go’aan la fileysan karay balse marka la eego qoraalkii jawaabta wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya lama fileyn in go’aanadaan oo kale ay soo bixi doonaan.

Somalia waxaa Kenya ay maalin walbaa ka keeni jirtay Khaad aad u badan waxaana lagu qiyaasaa lacagta maalin walbaa Kenya ay khaadka ku badalan jirtay ku dhawaad 400 Kun oo dollar.

Ethiopia ayaa hadda heleysa fursad ay lumiyeen ganacsatada khaadka ee Kenya.

Like it? Share it!

Leave A Response