Magaalada Jowhar Oo Baangado & Budad Dadku Qaateen Kadib Markii…

by admin | Wednesday, Aug 8, 2018 | 913 views

Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Jowhar Ee Caasimada HirShabelle ayaa waxay sheegayaan in Eeyo Laga nasan la’yahay oo dadka weeraray.

Ilaa 7 Qof ayaa la xaqiijiyey in Eeyaha ay Qaniineen,islamarkaana Xaalada ay ka dhigtay mid cabsi xoogan shacabka ay soo foodsaareen.

Waxa laga cabsi qabaa in ay Eeyaha Qabaan Cudurka Raabiyada taasi oo dadka ku qasabtay inay Baangado iyo Budad qaataan si ay isku difaacaan.

Askari katirsan Ciidamada Amniga ee jooga Jowhar ayaa dilay Eey markii uu dhinaciisa usoo cararay,kana baqday inuu qaniino.

Dad jooga Jowhar ayaa Caawa inoo sheegay in dhaq dhaqaaqii uu yar yahay marka loo Eego sida ay aheyd cabsida laga qaaday Eeyaha Dadka Qaniinaya.

Like it? Share it!

Leave A Response