Mareykanka oo sheegay in uu taageero u fidinaayo qoysaska dadkii ku dhintay duqeyntii Kaabuul

by admin | Saturday, Oct 16, 2021 | 512 views

Waaxda Difaaca Mareykanka ee Pentagon-ka ayaa dhambaal tacsi ah iyo lacago aan la cayimin gaarsiisay qoysaska 10-qof oo rayid ah oo ku dhintay duqeyn diyaaradeed oo Mareykanka bishii Agoosto ee la soo dhaafay uu ka geystay Magaalada Kaabul ee dalka Afgaanist.

Waaxda Difaaca ee Mareykanka ayaa sheegtay inay jiraan ballanqaad ay ka mid yihiin bixinta lacago Magdhaw ah iyo in Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ay ka shaqeyneyso sidii xubnaha qoyskan ee danaynayay inay u guuraan Mareykanka looga tageeri lahaa.

Xafiiska Pentagoonka ayaa sheegay in dadkii ku dhintay duqeyntii Kaabul ee 29-Agoosto ay ahaayeen dhibbanayaal aan waxba galabsan, isla markaana  aan xiriir la lahayn kooxda sheegato Dawladda Islaamiga ah ee Gobolka Khorasa.

Duqeeyn ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay ka sameyeen Kaabuul ayaa lagu dilay ilaa 10 qof oo rayid ah oo ay ku jiraan 7 carruur ah.

Pentagon-ka ayaa horay u sheegay in weerarkii 29-kii bishii August lala beegsaday kooxo mitidiin ah oo halis weyn ku ahaa ciidammada uu hoggaaminayo Mareykanka ee ku sugnaa garoonka diyaaradaha Kaabuul, xilli ay socdeen dhamaystirka marxaladihii ugu dambeeyay ee ka bixitaanka Afghanistan ee Ciidamada shisheeye.

Like it? Share it!

Leave A Response