Maxaa ka jira in markale uu fashilmay Imtixaanka ay qaadeyso Wasaaradda Waxbarashada?

by admin | Monday, May 27, 2019 | 744 views

Iyada oo Maanta lagu wado in uu bilaawdo Imtixaanka Shahaadiga ee Dusiga sare oo ay qaado Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ayaa waxaa Baraha Bulshada lagu faafiyey Warqado lagu sheegay in uu yahay qishka maadooyinka Imtixaanka,waxaana warkaasi beenisay Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya Cabdiraxman Maxamuud (Jaabir) ayaa sheegay in aan waxba ka jirin Imtixaanka Baraha Bulshada lagu faafiyey ee la shegay in laga helay Gaalkacyo,isla markaana uu yahay mid hore oo laga soo gudbay.

Waxa uu sheegay in Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ay muujisay diyaar garoow xoogan,isla markaana ay dadaal badan gelisay in markale uusan fashilmin Imtixaanka Wasaaaradda ay qaadeyso,waxaana uu digniin u diray dad uu sheegay in waxyaabo been ah ay faafinayaan.

11kii Bishaan ayaa Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobolada dalka waxaa ka bilaawday Imtixaanka Dowladda,hayeeshee markii dambe Baraha Bulshada lagu arkay maadooyin ka mid ah Imtixaanka taas oo keentay in Wasaaradda Baabi’iso,isla markaana maanta markale la galayo.

In ka badan 30,000 oo Arday ayaa la filaya inay Maanta u fadhiistaan Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Sare,iyada oo Muqdisho iyo Gobolada dalka siweyn looga diyaar garoobay.

Like it? Share it!

Leave A Response