Faahfaahin Nabaddoon Caawa Masjid lagu dhex dilay

by admin | Sunday, May 26, 2019 | 739 views

Kooxo hubeysan ayaa Caawa nabadoon waxa ay ku dileen Xaafadda Juungal ee degmada Yaaqshiid sidda ay  u xaqiijiyeen  warbaahinta  goobjoogayaal.

Nabaddoonka la dilay ayaa lagu Magacaabi jiray Ibraahim Cariif, waxaana uu ka mid ahaa waxgaradka sidda si weyn looga yaqaano Xaafadda Juungal.

Dilka Nabadoonka ayaa ka dhacay Gudaha Masjid Sheekh Xasan Cadde, waxaana dilka geystay Koox hubeysan oo goobta ka baxsatay.

Nabadoonka ayaa ka mid ahaa Odayaashii soo xulay Ergooyinkii soo doortay xildhibaanada Golaha Shacabka ee maamulka Hirshabeelle.

Like it? Share it!

Leave A Response