Maxkamadda Ciidamada oo Maanta xukun riday

by admin | Wednesday, Sep 16, 2020 | 381 views

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta waxaa ay xukun ku riday Nin la sheegay in uu ka tirsanaa Al-Shabaab, isla markaana uu ka howlgallay degaano ka tirsan Gobolada jubbooyinka.

Ninkaan oo lagu Magacaabo Farxaan Maxamuud Xasan ayaa Xeer ilaalinta Maxkamadda waxaa ay sheegtay in uu kamid ahaa furahaayayaasha xabsida sida gaarka ah ay u maamulaan Al-Shabaab.

Sidoo kale Xeer ilaalinta Maxkamadda ayaa ku eedeysay Farxaan in uu kamid ahaa abaabulayaasha weerarkii Saldhiga Mareykanka uu ku leeyahay Kenya ee Manda Bay.

Ciidamada Dowladda ee ku sugan degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo ayay Maxkamadda Ciidamadu sheegtay in uu isku soo dhiibay, halkaasi oo uu markii hore kaga biiray Al-Shabaab, hayeeshee uu bilaabay in uu si hoose ula Shaqeeyo Al-Shabaab.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya Xasan Cali shuute oo ku sugan degmada Beled-Xaawo oo Maxkamadeyntu ka dhacday ayaa sheegay in dambiga lagu soo eedeeyay Farxaan Maxamuud uu yahay mid sax ah, isla markaana Maxkamadda ay ku riday xukun Xabsi daa’in ah , isaga oo heysta racfaan ku siman muddo 30 Cisho ah.

Like it? Share it!

Leave A Response